Awad for Puntland

AWAD LOGO transparent

Bayaan Siyaaadeed

TIIRKA 1: MAAMUL WANAAG

 

Hadafka tiirkayaga Maamul Wanaagu waa inaan soo bandhigno hab-dhaqan siyaasadeed kaasoo ay dadku udub dhexaad u yihiin hoggaan wanaag, leh siyaasdado iyo habraacyo haga, si loo gaaro dowlad wanaag rasmi ah.

Sidaa darteed, waxaan kor u qaadi doonaa kobcinta is-afgarad ku saleysan sarreynta sharciga, isla xisaabtan, daah-furnaan, adeeg, hufnaan, matalaad, sinnaan iyo in dadku  si buuxda uga  qaybgalaan dhammaan arrimaha Puntland. Waxaa naga go’an in aan soo saarno hey’ado dowladood oo firfircoon oo shaqadoodu muuqato kuna shaqeeya ilaalinta siyaasadda dowladda iyo ilaalinta Dastruurka Puntland, shuruucda nidaamka Federaalka iyo kuwa u degsan Dowlad-Goboleedyada. Waxaanu damaanad-qaadaynaa in Puntland si buuxda looga dhaqangeliyo hannaanka dimoqraadiyada oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan, anagoo sal uga dhigayna is-afgaradka shacabka, iyo waafaqsanaanta dastuurka. Xaqiijinta yoolkan waxaa lagu gaari doonaa talaabooyinkan soo socda:

Tan waxaa lagu gaari doonaa hababka soo socda:

TIIRKA 2: KOBACA DHAQAALAHA

HADAFKA YOOLKA: Kobcinta daryeelka dhaqaale ee dadkeena iyada oo loo marayo kordhinta wax-soosaarka, shaqo abuurka iyo sii joogteynta si kor loogu qaado tayada noloshooda.

Aasaaska ay ku taagan tahay dimoqraadiyad kasta oo waarta iyo maamul wanaagsani waa kobac dhaqaale iyo horumar. Waxaan ballan qaadaynaa inaan fududeyno ama isku-dubaridno habsami uga faa’iidaysiga kheyraadka si loo kobciyo ganacsiga, shaqada iyo hanti abuurka. Taas waxa lagu gaari doonaa iyada oo la dhisayo awoodda hay’adaha dawladda ee ay shaqadu khusayso si ay awood ugu yeeshaan in ay abuuraan jawi wanaagsan oo sahlaya kobaca ganacsiyada yaryar, kuwa dhexe iyo kuwa waaweynba. Xukuumaddeennu waxay bixin doontaa taageerada lagama maarmaanka ah taasoo  ka dhigi doonta wax-soosaarka maxalliga ah mid la yimaadda tartan dheeraad ah gudaha iyo weliba meelaha ka baxsan xuduudaheena iyada oo loo marayo xakamaynta tayada iyo jaangooyooyinka. Intaa waxaa dheer, waxaan taageeri doonaa in shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah  ay  helaan suuqyada maxalliga ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah, iyo sidoo kale horumarinta ganacsiga gobolka.

Qodobada hoos ku qoran waxay la xiriiraan ahmiyadaha kala horreeya ee khuseeya isla-xisaabtanka maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha:

TIIRKA 3: BIXINTA ADEEGYADA AASAASIGA AH

HADAFKA YOOLKA: HADAFKA TIIRKAYAGA SADDEXAAD WAA INAAN HORUMARINNO TAYADA, IYO HELITAANKA, ADEEGYADA DADWEYNAHA, KUWAASOO AY KU JIRAAN CAAFIMAADKA, WAXBARASHADA, GAADIIDKA IYO BIYAHA IYO NADAAFADDA.

Xukuumaddeennu waxay xoojin doontaa kartida hawlgudashada waxayna dhiirigelin doontaa ka faa’iidaysiga kheyraadka ee dhammaan wasaaradaha Dowladda ee loo xilsaaray mas’uuliyadda bixinta adeegyo tayo leh oo loogu talo-galey dadkeena. Waxaa aad loogu mahad naqayaa in adeegyo dhowr ah ay taageero ka geystaan hay’adaha samafalka maxalliga iyo kuwa caalamiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay. Dhanka kale, waxaan taageeri doonaa oo fududeyn doonaa shaqada hay’adahan. Waxaan abuuri doonaa madal iskudubarid si aan u hubinno in dadaallada ay wadaan bahwadaagtu ay abuuraan saameyn isku-dhafan oo ku wajahan natiijooyinka  la rabo, iyo sidoo kale inay yihiin kuwo lagu jaan-gooyay arrimaha  mudnaanta heer Gobolka iyo heer qaranka labadaba.

Tan waxaa lagu gaari doonaa hababka soo socda:

TIIRKA 4: NABADDA IYO AMNIGA

Xukuumaddeennu waxay mudnaan siin doontaa amniga shakhsiyaadka iyo amniga bulshada iyadoo la ilaalinayo nafta iyo hantida. Waxaan dejin doonaa Qorshe Istaraatiijiyadeed oo la xiriira dhinaca Amniga oo dhamaystiran kaasoo loo dhan yahay si aan u qeexno dhammaan dhinacyada la xiriira arrimaha amniga. Tani    waxay ka koobnaan doontaa badbaadada iyo badqabka dhammaan muwaadiniinta; xoojinta iskaashiga qaab-dhismeedka bulshada ee bahwadaagta heer gobol iyo kuwa heer caalami. Waxayny la dagaalami doonaa argagixisada iyadoo la xoojinayo horumarinta dadaallada la xiriira kobcinta nabadda; xoojinta wada- xaajoodka iyo dib-u-heshiisiinta si wax looga qabto colaadaha qabiilka, iyo; kor u qaadida wada jirka  bulshada ee beelaha.

Waxaa hoos lagu faah-fahiyey siday u kala horreeyaan mudnaanta arrimaha la xiriira amniga: