Awad for Puntland

AWAD LOGO transparent

FARRIINTA MUSHARAXA

Bismillahi Raxmaani Raxiim.

Dhammaan dadka reer Puntland ee sharafta badan meel kasta oo ay jogaan, Mudaneyaal iyo Marwooyin, waad salaaman tihiin. Magacaygu waa Amb. Axmed Ciise Cawad waxaana ahay Musharaxa Madaxweynaha Puntland Doorashada 2024. Waxaa farxad iyo sharaf ii ah in aan maanta idinla wadaago farriintayda murashaxnimo.

Walaayaal muddo shan iyo labaatan (25) sanno ah ka dib, Puntland waxay gashay bog cusub waxaana lagama maarmaan ah in la helo isbedel dhab ah, hogaamin wanaagsan iyo siyaasad cusub, si aan u helno Puntland cusub, taasoo ay hagayso aragti cusub, howlgal iyo hiraal durugsan, si aan horumar dhab ah u gaarsiino dadkeenna iyo dalkeenna ulana jaanqaadno dunida kale ee horusocodka ah. Dhanka kalena waxaa nagu weyn in aan soo saarno jiil cusub oo leh ilbaxnimo, han iyo himilo durugsan, si aan jiilka soo socda aan ugu sameyno dhaxal wanaagsan iyo horumar u dhiganta midda bulshooyinka casriga ah.

Mudaneyaal iyo Marwooyin, waxaan u nimid in aan Puntland ka taabba galino nidaam dowladnimo oo rasmi ah, kaasoo ku salaysan hogaamin wanaagsan, oo ay tiir dhexaad u tahay, maamul wanaag ku qotoma sarreynta sharciga, daahfurnaan iyo isla xisaabtan dhab ah.

Waxaa naga go’an in aan Puntland ka taabba galino hogaamin wanaag, kaasoo salka ku haya siddeedda tiir ee Maamul wanaagga casriga ah iyo in la yagleelo hey’ado dowladeed oo firfircoon, isla xisaabtanna leh, taasoo ah nidaamka ugu wanaagsan uguna habboon in lagu hormariyo kobaca siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee Muwaadiniinta reer Puntland.

Dadaal dheer ka dib, Puntland waxay soo gaartay meel u baahan in aan samaynno laba kaclayn dhab ah, si aan ugu talaabsato horumar dhinac walba ah, waxaa dhab ah in Puntland – iyo Soomaaliya guud ahaanba – ay jiraan dib u dhacyo weyn oo ka dhashay hoggaan xumo keentay horumar la’aan iyo fashil siyaasadeed, taasoo ay saldhig u tahay hoggaan xumo ku salaysan xukunka hal qof oo kaliya “one-man rule” oo u fududaysa ku tagri falid awoodeed, musuqmaasuq baahsan iyo in ay meesha ka baxaan hay’ado isu dheelitiran oo is kor joogteeya isna saxa, taasoo markiiba sababta in ay lunto kalsoonidii lagu qabay dowladnimada.

Mudaneyaal iyo Marwooyin, waxaa naga go’an in aan wax weyn ka beddelno qaabkii hore ee loo shaqayn jiray, waxaa na hagaysa aragti cusub taasoo salka ku haysa hoggaamin dhab ah iyo in ay dadweynuhu helaan adeeg hufan oo tayadiisu sarreyso, qof walba iyo xafiis walbana lagu qiimeeyo wax qabadkiisa, ayna jiri doonto is kormeerid, is qiimeyn iyo isla xisaabtan joogta ah.

Hadafka iyo yoolka ugu weyn ee na hagaya waa in aan aragno Puntland oo horumarsan, noqota tusaale wanaagsan, korna u qaadda tayada nolosha bulshadeeda.

Si aan taas uga dhabayno waxaan jecelnahay inaan afartaan tiir ee soo socda udub-dhexaad uga dhigno halku-dhaggayaga “Maamul Wanaag iyo Dimuqraadiyad dhab ah ”.

Musharax Madaxweyne

signaturi

Hadafka guud waxaa lagu xaqiijin doonaa iyadoo loo marayo afarta tiir ee saldhiga u ah halku dhigeena “ Dowlad wanaag, dimuqraaadiyad dhab ah”

Maamul Wanaag

Kobaca dhaqaalaha

Adeegyada aasaasiga ah

Nabadda iyo Amniga

Maamul Wanaag, Dimuqraadiyad Dhab ah

Xaqiijinta Madaxbanaanida Baarlamaanka

Waxaan awood u siin doonaa Baarlamaanka – oo ah laanta aasaasiga ah ee dawladda - inuu guto sharcigiisa & waajibaadkiisa kormeerka iyo inuu la xisaabtamo Fulinta.

Xoojinta Nidaamka Garsoorka iyo Ku-dhaqanka Sharciga

Waxaan dib u habeyn iyo awood siin doonaa Garsoorka oo ah laanta dowladda ee u xilsaaran ilaalinta sharciga si dhexdhexaad ah, wax ku ool ah oo madax banaan si waafaqsan Dastuurka.

Horumarinta Dimuqraadiyeynta

Horumarinta Dimuqraadiyeynta
Waxaan wax ka bedeli doonaa Gobolka annagoo u abuurnay dowlad dadka u ololeynaya ka-qaybgalka muwaadiniinta anagoo adeegsanayna ka-qaybgalka dadweynaha ee hababka go'aan-qaadashada iyadoo la raacayo fikradaha dimuqraadiga ah. Dawladdu waxay si firfircoon uga qayb qaadan doontaa barnaamijyada waxbarashada madaniga ah si kor loogu qaado wacyiga dadweynaha ee maamul wanaaga, dimuqraadiyadda iyo mudnaanta dhismaha dawladda.

Aqoonsiga Doorka Hogaamiyaasha Dhaqanka

Waxaan rabnaa in aan si buuxda u aqoonsanno oo aan qirno doorka lama huraanka ah ee ay Madax-dhaqameedka sharafta leh ka qaateen aasaaskii Puntland, xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dadkeeda. Haddaba, waxa aanu ballan-qaadi doonaa in aanu kor u qaadno doorkan xasaasiga ah ee Madax-dhaqameedka, waxaanu soo jeedinaynaa in la dhiso oo la waafajiyo Dastuurka Puntland oo dib loo habeeyay.

Dhacdooyinka iyo Hawlaha soo socda

18

November 2023

Daahfurka Ololaha iyo dhacdo lacag ururin

03

Dec 2023

vp1

Daahfurka Ololaha iyo dhacdo lacag ururin

17

Dec 2023

394912145_795008029095076_1931758569772024520_n

Dhacdada Soo Dhawaynta

23

Dec 2023

Welcoming Event - Garoowe16

Dhacdada Soo Dhawaynta

100-kii Maalmood ee ugu horeeyay ee aan Madaxweyne ka noqdo Puntland

Aragtida Horumarka: Gaaritaanka Guulaha 100-ka Maalmood ee ugu horreeya Hogaamiye ahaan

Latest News and Updates