Waxaan ku ammaanaya Isimmada dhaqanka Puntland iyo Isimmada SSC, oo door shariif ah ka qaatey samatabixinta siyaasadeed ee Puntland iyagoo u istaagay xallinta khilaafka doorashada.Waxaan kale oo u mahadcelinayaa Baarlamaanka Puntland oo qaatay go’aamo waxtar u leh shacabka Puntland, si looga badbaado in uu dhaco dagaal.Dadka reer Puntland waxay naga mudan yihiin in aan u ilaalinno nabadda iyo midnimada ay ku tilmaaman yihiin, waxaana ugu baaqayaa dhammaan siyaasiyiinta, musharixiinta iyo masuuliyiinta Puntland in ay gacan ka geystaan sidii looga gudbi lahaa marxaladdan.Ugu danbeyntii, waxaan ku bogaadinayaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni in uu aqbalay xalka iyo talada odeyaasha dhaqanka, anigoo ka rajaynaya in uu dhammeystiro hannaanka doorashada si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka soo jireenka ah ee Puntland. khilaafka doorashada.